WAR CUSUB: Axmed Madoobe iyo C/kariin Guleed oo qorshooyin isla wada Saaka.

0

Warar Hoose oo aan ka heleyno magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed la filayo inuu tago magaalada Kismaayo ee gobolka JUbbada Hoose.

Sida qorshaha uu yahay maanta ayaa la filayaa in Madaxweyne Guuleed uu tago magaalada Kismaayo ee gobolka JUbbada Hoose, haddii aysan dhicin isbedel kale oo safarkiisa ku yimaada, sida ilo xog ogaal ah ay inoo xaqiijiyeen.

Labadii Maalin ee lasoo dhaafay waxaa soo baxayay warar sheegaya in madaxweyne Guuleed iyo Shariif Xasan ay diidanaayeen iney tagaan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, si ay kaga qeyb galaan shirka la qorsheeyay inuu beri ka dhacdo magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa dadaal dheeri ah u galay inuu fikradiisa ka dhaadhiciyo madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, si uu kaga qeyb galo shirka magaalada Kismaayo.

Warsaxaafadeed Khamiistii ay labadooda soo saareen ayaa waxay ku sheegeen iney muhiim tahay in shirka magaalada Kismaayo uu noqdo mid laga soo saaro wax dan u ah Ummada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa la sheegayaa inuusan ku qanacsaneyn shirka magaalada Kismaayo, isaga oo aaminsan in maamulka Bakool sare oo carqalad ku ah uu dhisay Axmed Madoobe.