TOP DHAGEYSO : Madaxweyne Xasan Oo Xalay madaxtooyada Boosaso, Ka Sheegay Aragtida 4.5 ee Doorashada Somalia.

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay ka qeyb galay sanad-guuradii ee ka soo wareegatay markii C/wali Maxamed Cali (Gaas) loo doortay Madaxweynaha Puntland oo ku beegan 8-da Janaayo.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha Puntland, isagoo ku ammaanay waxyaabihii u qabsoomay iyo horumada ka jira deegaanada Puntland.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku dheeraaday Sooyaalka Puntland iyo doorkii ay kaciyaartay helitaankii dawlad soomaaliyeed oo markale cageheeda isku taagta, isagoo ugu baaqay maamulada kale ee dalka ka jira inay kaga daydaan shacabka Puntland isku duubnida iyo midnimada ay gaareen.