TOP DHAGEYSO: Madaxweyne Gaas oo khudbad taariikhi ah xalay ka jeediyay Madaxtooyada Boosaaso

0

Madaxweynaha Puntland Dr Abdiwali Maxamed Ali Gaas ayaa xalay khubdad taariikhi ah ka jeediyey Madaxtooyada magaalada Boosaaso, isagoo diirada ku saaray horumarka muuqda ee hada ka socda Puntland & Halka ay hiigsanayso Puntland.

Madaxweyne Gaas wuxuu sheegay in dawladdiisu mudada ay xilka hayso ay ka shaqeyn doonto amaanka, Dibu dhiska Kaabayaasha dhaqaalaha iyo sidii maalgalin caalami ah loogu heli lahaa Puntland.

Madaxweynuhu wuxuu tilmaamay in horumarka ay gaarayso Puntland uu yahay mid guud ahaanba Soomaalida oo dhan ay gaarayso, isagoo sheegay in ay lagama maarmaan tahay in la hormariyo Soomaaliya.

Khudbadda Madaxweynaha ayaa sidaas oo kale la sheegay in ay Puntland ka go’an tahay sidii Soomaaliya ay waacusub u gali lahayd, Caalamkana u jaanqaadi lahaa.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: