Mayor Muraad Muxuu Borama ka Sheegay+Jawaabtiisa.

0

Marka hore akhristayaasha sharafta leh meel walba oo ay caalamka ka joogaan waan salaamayaa, salaam ta ugu qiimaha iyo qaayaha badan, salaanta ehlu janaha Asalaamu Calaykum Warax Ma tulaahi wa barakaatuhu.

Salaam ka dib, qofka madaxda ah ee la doortay ama cidi ha soo magacaabto (Select) ama cod ha lagu soo doortee (Elect) waxa muhiim ah waajibna ka saaran yahay in uu shicibkiisa runta u sheego.

Hadaba maxay noqonaysaa in qof dhan oo mas’uul degmo ah muuqaalkiisa qofeed markaad eegtana aad is odhanayso waa qof xaga xaga cibaadada iyo sunada nebiga (NNKH) u dhow hadana wax aan sal iyo raad toona lahayn sheegaya, isku dirka labo umadood oo degan labo magaalo ka shaqaynaya isagoo ka leh ujeedo siyaasadeed, laakiin la yaabi maayo oo xadiis micnihiisu ahaa nebiguna inoo sheegay ayaa sheegayay ‘ Ilaahay SWT ma eego muuqaalkiina, iyo qaab dhismeedka jidhkiina ee waxa uu rabi wayne eegaa quluubtiina iyo camaladiina’.

Muuqaal aan daawaday baan ka naxay hadalada naxliga leh ee uu mayorka Burco Maxamed Muraad uu hawada u soo mariyay bulshada muga iyo miisaanka leh ee reer Boorama, isaga oo sheegay in Burco caasimada labaad ee Somaliland tahay isaga oo uga jeeda reer Burcoow isdiiwaan geliya yayna reer Borama idinka tiro badnaanine, tirade rabi baa bixiya kaadh yar oo la qaatana laguma tirsamo, isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu xusay in ay reer Borama meel cidlo ah ku daalayaan ee aanay reer burco gaadhayn, waxaan qabaa reer Borama lama tartamaan reer Burco ee waxa ay ilaa waligeed la tarrtamaan magaalada Henley la yidhaahdo ee ku taala cariga ingiriiska, lana yaabi maayo Mayor Muraad oo reer Borama ayuu hiigsanayaa in uu magaaladiisa gaadhsiiyo waana horumar aan la jecelnahay .

Isaga oo sii wata hadaladiisa deelqaafka ah ayaa uu sheegay in Borama hore u siiyeen magaalada Nabada iyo Aqoonta ee ay iloobaan in ay ku darsadaan caasimada labaad ee Somaliland, hadalkaas dadka caqliga iyo garashada u saaxiibka ah waxa ay u arkayaan hadal ka soo baxay qof aqoon durugsan u lahayn maamulida iyo ka hadalka arimo ay
magaalo gaar u leedahay.

Maxamed muraad waxa aan u sheegi lahaa nabada iyo aqoonta aad sheegayso cidna Borama marti ugama aha in ay afkooda ka sheegaan iyo in kale, iyaga (reer Borama) ayaa kasbaday in la siiyo arimahan kor ku xusan.

Borama waa tii shalay adiga oo qabiil isku dilaya intay odayadeedii, waxgaradkeedii iyo culumaa’udiinkedii intay isa soo abaabuleen u soo maray 295km oo hallis badnayd, hadana qaranimada iyo wanaaga ayay dartaa u soo guuro iyo galab caraabeen, miyay maanta tahay in aad tidhaahdo Borama magaaladii nabada Ayaan siinay aheey ah Dameeri maxay
sanjabiil ka garan.

Tan kale Boramada aad wax ka sheegayso waa tii shalay wax ku bartay ee aad Burco uga timi si aad Borama wax uga barato Mayor Maxamed , fasalka aan dhigtana waxa aan la dhigtaa dad qiimo leh oo ka yimi gobolada dalka iyo weliba wadamada jaarka ah reer Burcona ha ku jiraane, taasna maaha mid uu mayor Muraad bixiyay ee mid dadka deegaanku Borama samaysteen.

Qodobka caasimada labaad; marka la doonayo in la sameeyo caasimad labaad waxa la eegaa dhowr shay oo ay nabad galyadu ugu horayso, waxaanan qabaa in Mayor Muraad
tartankii lagu jiray reer Burco ka reebay oo uu si maldahan ugu sheegay in ay tahay magaalo aan la isku halayn Karin nabad galyo ahaan.

Weli ma arkin meel ay maayoradii Borama soo maray iyo kan hada joogaaba ku sheegayaan in Borama tahay caasimada labaad welina ma arkin dhaleecayn ay u dirayaan reer Burco oo xidhiidh qoto dheeri kala dhaxeeyo reer Borama, taasna waa shaqada ay hayaan oo haleel ay Burco ku xasuustaanba ku yar yahay, aad baanan uga mahad celinayaa in Maayir Muraad Boorama soo Xasuusto.

Ugu dambayn nin wayn oo hadal ka dhacay waaa jirid qolofi ka dhacday, Maayor Muraad reer Borama hadaladaas deelqaafka ah way ka tageen mana u fiirsadaan laakiin laga yaabee in aad caruurtaada Borama u soo dirto oo aad ku sheegtay magaalo jawi fiican iyo qurux isku darsatay horena u jeclaatay in aad soo booqato aad caruurtaada aqoon ugu soo dirto lkn lagama yaabo in wiil reer Borama ah uu u soo xamaan qaato Burco oo uu wax ka barto.

Abdirashid Abdi Jama
Senior Economic and Political Student in Amoud University
Rashka282@gmail.com, 0634500282