Dowlada Mareykanka oo shaacisay in Xabsiga Guantanamo laga sii deyn doono maxaabiis Muslimiin ah

0

Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in cafis ay u fidisay Maxaabiis la sheegay inay ahaayen Muslimiin oo danbiyadii loo heystay badi lagu waayay.

Maxaabiista Xabsiga Guantanamo laga siidaayay ayaa tiro ahaan la sheegay inay yihiin 17 kuwaasi oo la xiray 12 sano ka hor.

Maxaabiista lasii daayay ayaa la geeyay dalka Shiinaha halkaasi oo ay kasii aadi doonaan dalalka ay u dhasheen, halka qaarna ay kusii nagaan doonaan dalka Shiinaha.

Wasaarada Gaashandhiga mareykanka ayaa sheegtay in hadda Xabsiga laga siidaayay laba kamid ah maxaabiistaasi islamarkaana tirada harsan ay ku xigi doonaan.

Labada ruux ee lasii daayay ayaa dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Yemen, waxaana lagu wadaa in gudaha asbuucaani ay u dhoofi doonaan dalkooda.

Magacyada labadaasi u dhashay dalka Yemen ayaa waxaa lagu kala sheegay Maxamuud Cumar Bin Caadhif iyo Khaalid Muxamed Saalix Al-Dahuubi.

Deysmada Maxaabiistaasi ayaa imaaneysa iyadoo madaxweynaha dalka Mareykanka uu horay u balanqaaday inuu sii deyn doono maxaabiista ku jirta xabsiga Guantanamo.