DHAGEYSO:- Abwaaniinta Soomaaliyeed oo ka soo horjeestay in Tiyaatarka Qaranka ay dhisaan dad dano gaar ah leh

0

Golaha Abwaanada Soomaaliyeed oo Maanta shir jaraa id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa  waxaa ay sheegeen in Xarunta Tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed la doonayo in lagu wareejiyo Dad dano gaar ah leh kuwaas oo dib u dhis ku sameynaya.

Waxaa ay tilmaameen in Dadkaas aysan ogeyn u jeedka ay ka leeyihiin iyo waxa ay ka doonayaan Xaruunta Tiyaatarka Soomaaliya taas oo hada Burbursan.

Gudoomiyaha Golaha Abwaanada Soomaaliyeed  Abwaan Maxamuud C/laahi Ciise (Sangub)  ayaa ka hadlay Sheekada ku saabsan Xarunta Murtida iyo Mad-daalada iyo dhismaha laga bilaabayo.

Waxaa kale oo ay Golaha Abwaanadu sheegeen in Xubno ka tirsan Dowlada Soomaaliya ay ka danbeeyeen in Tiyaatarka lagu wareejiyo Dad dano kale leh.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa horay u balan-qaaday in dib u dhis lagu sameynayo Xarunta Tiyaatarka Soomaaliya, waxaana sidoo kale mudooyinkii dambe jiray warar sheegaya in ganacsato Soomaaliyeed ay dhisaya Xaruntaasi.

 

 

 

Hoos ka Dhageyso Codka:-

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media