DHAGEYSO WAREYSO:- Agaasimaha Dab damiska Gobolka Banaadir oo sheegay in sanadkii hore uu ahaa sanadkii ugu badnaa ee dab ka kacay Caasimada Muqdisho

0

Agaasimaha Dab damiska Ee Maamulka Gobolka Banaadir  C/llaahi maxamed Cabdule  Saney   ayaa ka hadlay waxqabadka Xafiiskooda ee Sanadii hore ee 2015-kii oo uu sheegay inuu ahaa Sanadkii Labaad ee ugu badnaa oo ay Dab ka kacay Qeybo ka mid ah Muqdisho damiyaaan.

Sanadii 2013kii ayuu Sheegay inuu ahaa Sanadkii ugu badnaa oo ay dab ka damiyaan Magaalada Muqdisho,2015kii ayuu ku sheegay iyana iney eheyd mid ka dab badan sanadii ka horeysay ee 2014kii.

Howlaha Xafiiskiisa ayuu ku sheegay inuu kamid yahay kuwa ugu muhiimsan oo ay uhayaan Bulshada ku dhaqan 17ka Dagmo ee Gobalkan Banaadir.

Agaasimaha dab damiska Gobalka Banaadir ayaa dhinaca kale tilmaamay in Xafiiskooda uu ku yaryahay Gawaarida dab damiska ah ee  uu leeyahay Gobalka Banaadir.

Tirada Gawaaridaas ayuu ku sheegay iney yihiin Sadex,wuxuu hadalkiisa intaasi sii raaciyay ineysan ku filneyn Xafiiskooda tiradan oo uu sheegay iney ka baaxad weyntahay dadka ku nool muqdisho oo uu cadadooda ku sheegay Sadex milyan.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga Agaasimaha:-