DHAGEYSO:- Siminaar lagu baranayo Wacyi gelinta Bushada oo lagu qabtay Muqdisho

0

Gudoomiye ku xigeenka dhanka Siyaasada ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Maanta Siminaar ku saabsan Wacyi gelinta Bulshada u furay dad laga soo kalka xulay Degmooyinka Deyniile, Kaxda, Dharkeynley iyo Wadajir.

Siminaarka ayaa waxaa lagu qabtay Xarunta Degmada Wadajir, waxaana goob jog ka ahaa furitaankiisa Masuuliyiinta Maamulka Gobolka iyo Maamulka Degmada Wadajir oo martigelinaayay Siminaarka.

Gudoomiyaha Degmada Wadajir Axmed C/dulle Afrax oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa kula dardaarmay dadkii ka qeyb galaya Siminaarka iney si sax ah ugu faa iideystaan Siminaarka.

Waxa uuna sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in dadkaan wax la baray ay sii gaarsiiyaan dadka kale.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka Siyaasada ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye oo daah furay Siminaarka ayaa ka warbixiyay ahmiyada siminaarka iyo ujeedka ay ka leeyihiin.

Waxa uu xusay in Shacabka Gobolka ay u baahan yihiin amni isla markaana ay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo amniga Gobolka.

Barnaamijkaan wacyi gelinta ah ayaa waxa uu socon doonaan muddo Sanad ah waxaana Maamulka Gobolka Banaadir uu la gaashanaya Hay’adaha UNICEF iyo Kaah.

Hoos ka Dhageyso Codka:-