DHAGEYSO : Shacabka Puntland oo soo dhaweeyey xarig jarka Garoonka Cusub ee Boosaaso.

0

Guud ahaan shacabka Puntland ee ku nool gobolada Puntland ayaa soo dhaweeyey xarig jarka Garoonka cusub ee magaalada Boosaaso oo shalay si wada jir ah xariga uga jareen Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxweynaha Puntland.

Shacabka ayaa dareenkooda ku cabiray guusha dhismaha garoonkan iyagoo sheegay in Garoonkan yahay guushii ugu weynayd ee ay gaaraan ummadda Soomaaliyeed ka dib burburkii dowladdii Dhexe ee Soomaaliya ee dhanka hormarka.

Talooyin ayey u soo jeediyeen madaxda Puntland iyagoo Madaxweynaha Puntland u diray fariin ah in uu fuliyo balan qaadkiisii ahaa labo sano iyo bar gudahood in Puntland yeelato saddex Garoon oo casri ah iyo Dhismaha dekeda magaalada Boosaaso.

Shacabka ayaa sheegay in dowladda ay maamul wanaagsan oo garanaya shaqooyinka Garoon casri ah ay u dhiibto shaqo abuurna uga dhigto dhalinyarada qaban karo shaqada Garoonka diyaaradaha Boosaaso ee shaqa la’aanta ah.

Dhageyso Aragtida Shacabka.