DHAGEYSO:- Kooxo Hubeysan oo Magaalada Warshiikh ku rasaaseeyay gaari ay la socdeen dad Shacab ah

0

Gudoomiye ku xigeenka dhanka Amniga ee Magaalada Warshiikh ee Gobalka Shabellada Dhexe Muriidi Xasan Gureey ayaa sheegay in rag ku labisan dareeska Ciidamada dowlada gaar ahaan kuwa Militariga ay rasaas ku fureen gaari ay la socdeen dad shacab.

Dadka ku geeriyooday waxaa uu sheegay gudoomiyaha 1 ruux 5 kalana waa ay ku dhaawacmeen dadkaasi ay ka sii amba baxayeen Magaalada Warshiikh isagoona sheegay in rasaastaasi ay wax yeelo ka soo gaartay dadkii la socday gaariga.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka Amniga waxaa uu sheegay in Magaalada Warshiikh ay joogaan Maleeshiyo aan cidna ka amar qaadan oo ku labisan dareeska Ciidanka dowlada waxaana uu sheegay in arintaa ay sabab u tahay.

Hoos ka Dhageyso Codka:-