Alshabaab oo mar kale dirtay Hanjabaad aad u culus iyo Shaqaalaha Dowlada oo aan lagu arag meelaha lagu shaaho

0

Maleeshiyada Al-shabaab ayaa mar kale soo saartay fariin ay ugu hanjabayaan Mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha ka tirsan DFS.

Sheekh Cali Maxamed Xuseen ”Cali Jabal’ oo maleeshiyaadka Al-shabaab ugu magacaaban Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Al-shabaab ay la socdaan dhaqdhaqaaqyada Mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha DFS, waxa uuna sheegay in dhamaantooda ay muteysan doonaan waxa uu ku sheegay dilal iyo Qaraxyo.

Cali Jabal oo u waramaayay Idaacada Al-furqaan ayaa wacad ku maray inaysan cafin doonin xubnaha Dowladda la shaqeeya, islamarkaana ay aragti kala dhexeyso, sida uu hadalka u dhigay.

Cali Jabal oo hanjabaaya ayaa yiri ”Ragga madaxda ka ah Dowlada iyo kuwa la shaqeeya waan la socnaa inay ku dhuumaaleystaan xarumaha iyo goobaha ay moodaan amaanka. waxaan la socnaa in gudaha magaalada muqdisho ay ka buuxaan rag Jawaasiis ah iyo xubnaha kale ee Dowladda la shaqeeya dushooda hanaga fishaan”.

Waxa uu intaa raaciyay hadalkiisa “Magaalada Muqdisho waxaa ka socda Hardan u dhaxeeya Islaamka iyo gaalada, habeen iyo maalin waa ay socdaan howlgalada ay mujaahidiinta ka sameynayaan magaalada Muqdisho ee cadoowga lagu beegsanaayo”.

”Waxaan la socnaa in madaxdii xeryaha dowlada iyo kuwa AMISOM ay ku xaroodeen, waxaa Magaalada wareegaya ciidan iyo Jawaasiis, mujaahidiintana waxa ay go’aan ku gaareen inay beegsanayaan cid waliba oo gacmo u ah cadoowga ama miino aan la beegsano ama si kale aan ku dilno.”

Cali Jabal waxa uu sheegay in adeegayaasha maleeshiyada ay ku sugan yihiin meel waliba oo ka tirsan magaalada Muqdisho, kuwaasina ay noqon doonaan kuwa beegsan doona shaqaalaha Dowlada.

Haddalka Cali Jabal ayaa kusoo beegmaaya xili maleeshiyada Al-shabaab ay dhowr garab u kala jabeen islamarkaana shaqaalaha Dowlada ay yihiin kuwo aan dhag jalaq usiin hanjabaadaha kasoo yeeraya maleeshiyada.