XOG: Shirkii 10-ka Janaayo Ka Furmi Lahaa Magaalada Kismaayo Oo Furmaya 11-ka Ama 12-ka Janaayo.

0

Wararka galabta naga soogaaraya ilo wareedyadeena ku sugan gudaha magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in shirkii ka furmi lahaa 10-ka Janaayo magaalada Kismaayo inuu dib u dhacay ugu badnaan laba maalmood.

Warkan oo aan kasoo xiganayno ilo wareedyadeena ayaa sheegaya in uu marnaba baaqanayn uu shirkaasi dhici ka dhici doono magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa waxa ay iyagana dhankood inoo xaqiijiyeen in shirka uu furmayo 11-ka ama 12-ka Janaayo, dhankoodana wax walba ay diyaar ka yihiin.

Isku soo wada duuboo waxaa dadka inooda badan ay ku wareereen wararka Muqdisho laga soo sheegayo oo ah in shirkii uu baaqday iyo Kismaayo oo laga soo sheegayo in uu shirkii furmayo balse suuragal ay tahay ugu badnaan in laba maalmood uu dib u dhaco.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media