XOG : Sarkaal Kasoo Goostay Al-Shabab Oo La Dilay

0

Wararka ka imaanaya degmada Baardheere ee Gobbolka Gedo ayaa sheegaya in rag wajiyada soo doobtay oo bastoolado ku hubeysan ay xalay halkaas ku dileen sarkaal horay uga tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo dhowaan isu soo dhiibay Ciidamada Dowladda.

Sarkaalkaan ayaa magaciisa lagu sheegay Hariye Cali Joogtaan, waxaana uu ciidamada Dowladda isku soo dhiibay bishii October ee sanadkii hore, isagoo mudooyinkii ugu dambeeyay la shaqeenayay maamulka Baardheere.

Kooxihii dilka geystay ayaa baxsaday, hasa yeeshee mas’uulyiinta Maamulka Baardheere ayaa VOA u sheegay inay ku raad joogaan kooxihii dilka geystay.

Ciidamada Dowladda Somalia oo ay wehliyaan ciidamada Ethiopia iyo kuwa Kenya ayaa Magaalada Baadheere ka saaray Al-Shabab bishii July ee sanadkii tagay, hase yeeshee waxaa weli khalkhal ku jira ammaanka magaalada oo xarumaha ganacsiga la xirro xiliyada habeenkii ah.