Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed oo dhoweeyay Siideynta Weriye Cabdirisaq Siiriya.

0

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ talaabada ciidamada Nabadsugidda Qaranku xorriyadiisa dib ugu celiyeen Weriye Cabdirisaq Cumar Siiriya oo muddo saddex todobaad ka badan ugu xirnaa Xabsiga Tuhumo la xiriira arrimo amni, sida ay NUSOJ u sheegtay hay’adda Nabadsugida masuuliyiin ka tirsan.

Cabdirisaq Cumar Siiriya oo u shaqeeya shabakadda Xogmaail.com ayaa la xiray 17 December 2015, iyadoo intii uu xabsiga ku jireyna uu ku xanuunsayay. Cabdirisaq ayaa sheegay in si fiican loola dhaqmay, hay’aduna ay geysay isbitaal si xanuunkiisa wax looga qabto.

Weriyaha ayaa waxaa damaanad lagu siiyay Aabihiis Cumar Axmed, iyadoo damaanadaas goob joog ka ahaayeen Xoghayaha Guud ee NUSOJ, Maxamed Ibrahim iyo Xoghayaha Maaliyadda Ururka, Cabdirashid Deyl.

“Waxaan ku ku faraxsanahay in sxbkeen Cabdirisaq xorriyaddiisa uu dib u helo muddo 23 cisho oo uu xabsiga ku jiray, waxaana Alle uga baryeynaa in caafimaad deg deg ah uu siiyo.” Xoghayaha Guud ee NUSOJ, Maxamed Ibrahim ayaa intaa ku daray, in muwaadinka la dacweyn karo, waxna uu dacweysan karo, uuna ku kalsoon sarreynta sharciga.”

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa uga mahadceliyey Wasaarada warfaafinta, Wasaarada Xuquuqda Aadanaha iyo dhamaan intii ka qeyb qaadatay sidii weriye Cabdirisaq xorriyadiisa dib ugu heli lahaa,iyadoo ururkuna uga mahadceliyay sidoo kale Hay’adda nabadsugidda Qaranka sida wanaagsan ee ay uga jawaabtay codsiga suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ku aaddanaa ee Cabdirisaq xorriyadiisa dib u helo.