Top News: Dowladda Turkiga Oo Sheegtay Inay Saldhig Militeri Ka Sameysanayaan Soomaalia.

0

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in saldhig milateri ay ka sameysanayaan Soomaaliya, taasoo qeyb ka ah balan-qaad ay horey u sameysay oo ahaa in dowladda Soomaaliya ka taageerayaan dhismaha iyo tayeynta Ciidamada qalabka sida.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa sheegtay in qorshahan lagu dhisayo saldhiga Milateri uu qeyb ka tahay heshiiskii dhex maray labada dowladood oo ku saabsanaa iskaashiga dhanka milateri, iyadoo Saraakiisha Milateriga Turkiga ay tababaro gudaha Soomaaliya ku siiyaan Ciidamada dowladda.

“Tani waa xarunta Milateri oo ah mid muhiim ah, oo aan dooneyno inaan siino tababaro guud ahaan qaaradda oo dhan Afrika”ayuu yiri Emel Tekin oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Soomaaliya ka hirgelin doonaan Iskuul Milateri oo wax lagu bari doono dhamaan saraakiisha iyo dableyda ciidanka Soomaaliya.

Mr Emel Tekin ayaa sheegay in hirgelinta saldhigan Milateri u jeedkiisu yahay sidii loo heli lahaa qaab nidaam oo ay yeeshaan ciidanka Soomaaliya, iyadoo dowladda Turkiga ay hormuud ka tahay arintaasi.

Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya ku caawisay $400 million oo gargaar ah sanadahan dambe sida laga soo xigtay wasaaaradda arimaha dibadda dalkaas.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media