TOP DHAGEYSO : Khudbadii Boqor Burhaan uu ka jeediyay xaflada furitaanka Garoonka ee Bosaso

0

 Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa qudbad qiimo leh ka jeediyay xaflada furitaanka madaarka caalamiga ah ee magaalada Bosaso, taasoo haatan si toos ah usocota.

Boqor Burhaan ayaa fursad wanaagsan ku tilmaamay dhismaha garoonkaan caalamiga ah ee Bosaso, waxaase uu boqorku uu soo jeediyay in shacabka reer Puntland iyo dowladduba hantidooda ku bixiyaan sidii loo dhameystiri lahaa 1km oo qabyo ka ah garoonka.

Boqorku wuxuu bogaadiyay horumarka ka socda Puntland ee ku dhisan iskutashiga shacabka iyo dowladda.

Wuxuu boqor Burhaan rajo wanaagsan ka muujiyay shirka wadatashiga ee Kismaayo ka dhicidoona, isagoo sheegay inay ka rajeynayaan inay kasoo baxaan guul miro dhal ah.

Halkaan ka dhageyso codka Boqorka :

Ugu dambayn wuxuu ugu baaqay Puntland iyo dowladda federalka inay ka dhabeeyaan balanqaadkoodii ahaa sidii loo nabadayn lahaa ummadda Soomaaliyeed.

Boqorku wuxuu sidoo kale ku baaqay in loo gurmado dadkii ku waxyeeloobay duufaanadii ku dhuftay dhulka xeebaha Bari ee Puntland gaar ahaan degmada Caluula iyo deegaanada hoos yimaada oo ay burbureen kaabayaashii bulshada.