TOOS U DHAGEYSO: Madaxweyne Sheekh Maxamed Shaakir “Waa Been Wax Wadahadal Ah Nooma Socdaan Anaga Iyo Galmudug”.

0

Wixii ka dambeeyey markii shalay ay tageen Magaalada Dhuuso mareeb Wafdi ka socday Baralamaanka Federaalka Soomaaliya uuna hogaaminayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa waxa arintaasi ka hadlay Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Waxa Madaxweynaha Maamulka Gobollada Dhexe Ee Ahlusuna Waljamaaca Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan uu ka hadlay warar la isla dhexmarayey waayahan dambe.

Dhinaca kale Madaxweyne  Sheekh Shaakir ayaa waxa uu been abuur ku tilmaamay in Wada hadal u dhaxeeyo iyaga iyo Galmudug ayna been tahay wararka Warbaahinta Soomaalida iyo suuqyada la  isla dhexmarayo.

Isku soo wada duuboo Xiisada udhaxeysa Galmudug iyo Maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlusunna Waljamaaca ayaa ah mid ku saleysan caqiido marnabana aysan suura galayn in xal iyo tanaasul laga gaaro ilaa uu midkood ku guuleysto iuu gacanta ku wada dhigo gabi ahaan deegaanada gobolada dhexe ee soomaaliya, waloow iminka inta badan ay ku jiraan gacanta Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusunna Waljamaaca.

Hoos Ka Dhageyso

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media