TOOS U DHAGEYSO: Maamulka Jubbaland Oo Ciidamo Iyo Hub Gaarsiiyay Deegaanada Maamulka Bakool Sare.

0

Magaalada Ceel-Barde ee gobolka Bakool ayaa waxaa gaaray ciidamo badan oo ka socda dhanka Jubbaland sidaas waxa sheegay sargaal katirsan taliska ciidamada dowlada ee Jubbooyinka kusugan.

Ciidamadaas ayaa waxaa ay ka soo tageen magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland iyadoo diyaarado qaas ah lagu geeyay Ceel-Barde oo uu ka taliyo Maamulka Bakool Sare.

Col. Cabdi Wahaab Cismaan Aada oo kusugan Jubbooyinka ayaa sheegay in ciidamada gaaray magaalada Ceel-Barde ay tiro ahaan gaarayaan 180 Askari.

“Ciidankan Kismaayo laga qaaday ee Ceel-Barde la geeyay waxaa lagu qaaday labo diyaaradood oo ay saaran yihiin 180 Askari, ciidamadaas ujeedkoodana waxaa ay ahayd in loo kala qeybiyo Yeed iyo Ceel-Barde”ayuu yiri Col Cabdi Wahaab Cismaan.

Isku soo wada duuboo Sargaalkan ayaa sheegay in ciidamadan loogu talagalay iney ka hortagaa masuuliyiinta DF ee kusugan magaalada Xudur iney tagaan deegaanada Ceel-Barde iyo Yeed iyo iney sidoo kale difaacaan deegaanada maamulkaas Bakool SARE.

 

Hoos Ka Dhageyso