LIVE U DHAGEYSO WAREYSI : Jawaari Oo kulamo Xasaasi Ah Ka wadda Magaaladda Dhuusamareeb.

0

Wafdi ballaaran uu hogaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud halkaasi ii oo si weyn loogu soo dhaweeyey.

Afhayeenka Baarlamaanka waxaa wehliya Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, 25 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Xildhibaanno ka tirsan baarlmaanka dowlad goboleedka Galmudug waxaana garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyey qeybaha kala duwan ee bulshada iyo mas’uuliyiinta Ahlu Suna Wal Jamaaca ee gobollada Dhexe.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka hadlay munaasabad soo dhaweyn aheyd oo wafdiga loogu sameeyey xarunta Madaxtooyada ee magaalada Dhuusamareeb ayaa u mahad celiyey shacabka iyo maamulka halkan sida ay usoo dhaweeyeen waxaana dhanka kale ay Xildhibaannadu tilmaameen in loo baahan yahay nabad iyo dib u heshiisiin dhab ah.

Waxaana halkaasi xalay ilaa saaka ka socday Kulamo kala duwan oo Looga hadlayo Xaaladda maamulkaasi,

DHAGEYSO WARIYE :