DHAGEYSO + DAAWO: Bahda Waxbarashada Iyo Gudiga Waalidiinta Magaalada Caabudwaaq Oo Ka Cabanaya Faragalin Ba’an Oo Lagu Hayo Baaqna U Diray DF Soomaaliya.

0

Kulan looga hadlayay tayada waxbarashada Degmada oo ay soo qaban qaabiyeen Gudi ay ku bahoobeen Waalidiinta Degmada ayaa looga hadlay Heerka waxbarashada Degmada iyagoo dhinaca kalena cabasho ka muujiyay Qilaaf maalmihii u dambeeyay ka dhex jiray maamulka waxbarashada degmada.

Kulan kani ayaa waxaa goob joog ku ahaa oo ku wehliyay Waalidiinta Qaybaha Bulshada iyo Barayaasha Dugsiyada waxbarashada Degmada Xubno ka socday.

Shiikh Liibaan Xaaji Maxamed oo kamid ah xubnihii Gudiga waalidiinta ee kulan kaasi ka hadlay ayaa ugu baaqay hay’adaha ku shaqada leh in la tayeeyo waxbarashada Degmada oo ay ka midoobaan khilaafka dhexdooda ka jira, waxaana dhinaca kale uu xusay oo uu ka mahad ceshay Taageerada hagar la’aaneed ee ay siiyo bahda waxbarashada degmada Wasaarada waxbarashada DF ee Soomaaliya.

Hoos Ka Dhageyso Kullanka

Hoos Ka Daawo Kullanka

DSCN6434 DSCN6435 DSCN6436 DSCN6439

DSCN6433

 

Wariye C/kariin Axmed Bulxan
Caabudwaaq, Soomaaliya

Fiiro Gaar Ah: Filo dhawaan warbixin iyo cadeymo ay soo diyaarin doonto Warbaahinta Allgalgaduud Media, Waayo cida ay ka cabanayaan ee faragalinta ku haysa Bahda Waxbarashada Iyo Gudiga Waalidiinta Magaalada Caabudwaaq?

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media