DAAWO : Sheekh Shaakir”ma jirto wada hadal noo dhexeeya anaga iyo Galmudug”

0

Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo la hadlay VOA ayaa beeniyay in aysan jirin wax wada hadal ah oo u dhexeeya Maamulkiisa iyo Maamulka Galmudug.

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa sheegay in Wararka lagu Faafiyay Caalamka ee ah in Wada hadal ay galeen Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusunna iyo Galmudug ay tahay waxba kama jiraan islamarkaana ay warkaasi wadaan dad dano gaar ah leh.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Wada hadal ay yeeshaan Maamulka uu Hogaamiyo iyo Galmudug ay diidan tahay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

Wafdi uu Hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ku sugan Magaalada Dhuusamareeb,kuwaas oo Xalay kulamo la qaatay Madaxda Maamulka Ahlusunna.