XOG:Ururka Mayalka Adag Ee Daacish Oo Qorshe Halis Ah Ka Bilaabay Magaalada Muqdisho.

0

Wararka naga soo gaaraya Ilo wareedyadeena ku sugan magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in Kooxda Daacish ayaa qorshe Abaabul dagaal ah iyo qorista ciidan cusub ka wada magaalada muqdisho sida aan kasoo xiganay illo xog ogaal ah oo ka tirsan Dowlada Soomaaliya.

Ilo wareedka ayaa sheegaya in ilaa iyo hadda la haayo xogta 12 ruux oo taabacsan Daacishta Somalia kuwaasi oo dhalinyarada ku il duufinaayo in ku biiritaankooda Daacish ay uga baxayaan Faqriga iyo meel xun-fadhiga.

Goobaha ay sida qarsoodiga ah diiwaan galinta uga wadaan ayaa waxaa kamid ah Kaamamka, Iskuulada, Masaajida, Suuqa-Bakaaraha iyo goobo kale oo la sheegay in shaqsiyaadkaasi u sahli karta inay kaga dhuuntaan Ciidamada Dowlada.

Dhinaca kale Ujeedka diiwaan galinta ayaa la sheegay inay tahay in dhiiga dhalinyartaasi ay u adeegsadaan waxa loogu yeero argagixisada Al-shabaab ee uu iminka ka dhextaagan yahay khilaafka.

Isku soo wada duuboo shaqsiyaadka diiwaan galinta u qaabilsan maleeshiyada Daacish ayaa la sheegayaa inay gabaad ka dhigtaan ganacsi yar yar, kuwaasi oo u kala goosha dhamaan Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media