War Deg Deg Ah: Siihayaha Iyo Diblomaasiyiinta Iraan Oo Lagu Wargaliyay Inay 72 Saac Gudahood Uga Baxaan Soomaaliya.

0

Iyadoo la fulinayo go’aanka ka soo baxay Golaha Wasiirada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ,January 07,2016 , Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa ay u yeertay Siihayaha Safaaradda Jamhuuriyadda Islaamiga Iran ee Muqdisho , waxa ayna gudoonsiisay go’aanka , waxaana laga codsaday in isaga iyo diblomaasiyiinta kale ee Iran ay dalka uga baxaan muddo 72 saacadood gudahooda.

Talaabadan ayaa timid kadib baaritaan dhab ah oo la sameeyay , laguna ogaaday in Iran ay ka fulineysay Soomaaliya howlo qalqal gelinayay amniga,deganaanshaha ,wadajirka iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ugu baaqeysaa Iran inay xushmeyso madax banaanida dowladaha, joojiso faragelinta gudaha, ilaaliso qawaaniinta , heshiisyada caalamiga ah iyo cahdiga Vienna ee xiriirada diblomaasiyadeed.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media