TOP DHAGEYSO: Madaxweyne Axmed Madoobe “Safarkeyga Cadaado Waxuu Qayb Ka Yahay Dhameystirka Heshiiskii Gaalkacyo”.

0

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe ayaa sheegay in ujeedada socdaalkiisa Cadaado ay qeyb ka tahay dhameystirka heshiiskii Gaalkacyo ee lagu soo afjaray colaadii u dhaxeysay Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Axmed Madoobe oo xalay ku hoyday Cadaado ayaa sheegay in magaalada Kismaayo ay taallo gogosha dhameystirka heshiiskii Gaalkacto, isagoo xusay in Jubbland ay door ka qaadeyso dadaalada lagu adkeynayo nabada labada maamul.

“Safarkeyga Cadaado waxay qeyb ka tahay arrintii aan u balansaneyn oo aheyd khilaafka Gaalkacyo inay gogosheeda ay taalo KIsmaayo oo aan soo afjarno, aad baan uga mahad celineynaa Cabdiweli iyo Cabdikariin sida xikmada ku wada jirtay ee ay u wada qaateen heshiiska”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in madasha lagu balansan yahay Kismaayo ee looga hadlayo hiigsiga sanadka 2016 ayuu tilmaamay in shirkaas markii laga soo dhamaado in la geli doono wada hadalada Galmudug iyo Ahlusuna, si khilaafka labada dhinac loo soo afjaro.

“Marka aan ka soo laabano shirka madasha ee Kismaayo waxaa rajeyneynaa inaan wada tashi ka galno khilaafka Cadaado iyo Dhuusa Mareeb in Galmudug Caasimadeeda asalka ku noqoto oo ah Dhuusa Mareeb, in wixii khilaaf jirana aan soo afjarno”ayuu yiri mar kale Axmed Madoobe.

Hoos Ka Dhageyso Warkan Oo Dhameystiran

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media