Top News: Golaha Ammaanka Ee QM Oo Hanjabaad Culus U Diray Waqooyiga Kuuriya.

0

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ku goodiyay tallaabo ka dhan ah Waqooyiga Kuuriya, kadib markii ay tijaabisay Bam Haydorojiin, taasoo qal qal badan gelisay dalalka deriska la ah.

Fadhi deg deg ah oo Golaha ammaanka ku yeeshay xaruntooda New York ayaa waxay ku cambaareeyeen tijaabinta Waqooyiga Kuuriya, waxaana ay tilmaameen in khatar dhinaca ammaanka ay heysato Caalamka.

Safiirka Uruguay ee Qaramada Midoobey ayaa shaaca ka qaaday go’aankan wada jirka ah, isla markaana sida ugu dhaqsiyaha badan uu Goluhu u qaadi doono tallaabo adag.

Mareykanka ayaa sheegay in baaritaan horudhac ah oo ku saabsan tijaabadii waqooyiga Kuuriya ee Bamka Haydorojiinka ay sameyn doonaan, iyadoo Xukuumadda Pyongyang ay sheegtay in si guul ah ay ugu dhamaatay tijaabintaas.

Koofur Kuuriya, Japan iyo Shiinaha ayaa cambaareeyay tijaabinta gantaalkaas, waxaana ay muujiyeen wal walka laga qabo arrintan oo sii hurineysa xiisada Gobolka ka taagan ee u dhaxeeya Labada Kuuriya.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media