XOG: Dowladda Soomaaliya Oo Safiirki U Joogay Iraan Dib Ugu Yeertay.

0

Wararka naga soo gaaraya iminka ilo wareedyadeena ku sugan xarunta Villa Somalia ayaa waxa ay shegayaan in Dowladda Soomaaliya ay dib ugu yeertay inuu dalka ugu soo laabto safiirkii u joogay dalka Iraan.

Warkan naga soo gaaraya ilo wareedyadeena ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Safiirka iyo Dibulamaasiyinta safaarada Soomaaliya ee dalka Iraan lagu amray inay dib ugu soo laabtaan magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa inay xiriirka u jarto dalka Iraan, sida dalalka kale ee carabta.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media