TOP NEWS+SAWIRRO:- Boolis ka socda Dowlada Nigeria oo Muqdisho soo gaaray

0

Ilaa 140 Askari oo ka socda Booliska Dalka Nigeria ayaa  ka soo degay Magaalada Muqdisho,waxaana ay qeyb ka yihiin Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Ciidanka  soo gaaray Muqdisho ayaa ah Saraakiil,waxaana ay beddelayaa Saaxiibadood iyaga ka horreeyay oo Sanad ka shaqeynayay Soomaaliya.

Kuxigeenka Taliyah Ciidanka AMISOM ee jooga Soomaaliya Christine Alalo ayaa ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle.

Ciidankan waxaa y caawin doonaan Dhiggooda Soomaaliya ee Booliska,waxaan ay kala qeyb geli doonaan howgallada joogtada ah ee lagu sugayo Amniga Caasimadda iyo Soomaaliya oo dhan ayuu yiri Christine Alalo.

Ka hor Ciidankan inta aysan rasmi u howgalin waxaa y amri doonaan tababar la xiriira shaqadooda,waxaana la bari doonaa la dhaqanka Soomaalida, ku noolaanshiyaha Cimillada Soomaaliya oo ka duwan dalkooda,

Nigeria waxaa ay ka mid tahay Waddamada Ciidamada Booliska ah ku yaboohay Soomaaliya,waxanaa sidoo kale Boolis uu ka joogaa Soomaaliya Waddamada kala ah :Ghana, Kenya, Sierra Leone iyo Uganda.

Alalo ayaa amaanay una mahad celiyay Booliska Nigeria ee la beddelay isaga oo ku tilmaamay in ay ahaayeen Rag shaqo fiican oo Asluubeysan qabtay iyaga oo ka hoos shaqeynayay AMISOM.

Booliska AMISOM ayey howshoodu tahay in ay tababaraan Ciidamada Booliska Soomaaliya ee SPF,waxaa kale oo ay la fuliyaan howgallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo Amniga Dalka Soomaaliya.

pol1
pol2 pol3
pol4
pol5 pol6
pol7 pol8
pol9 pol10