TOP DHAGEYSO+SAWIRRO: Madaxweyne Xasan Sheikh Oo lagu soo dhaweeyay magaaladda Boosaso.

0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka cusub ee diyaaradaha magaalada Boosaaso Xarunta gobolka Bari.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa siweyn u soo dhaweeyay Madaxda dowladda Puntland oo uu ugu horeeyo madaxweynaha Dowladda Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas, ku xigeenkisa, iyo gudoomiyaha Baarlamanka Puntland, siyaasiyiin, odayaal iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa goob jooga ahaa soo dhaweynta madaxweynaha.

Ka dib soo dhaweyn madaxda ayaa si wada jir ah ula hadlay, waxaana ay ku faraxsanaayeen imaatinka madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya,

Dr C.wali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa ugu horyn ku soo dhaweeyay boosaaso Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay in uu ku faraxsanyahay imaatinkiisa uuna u yimid dalkiisa iyo dadkiisa.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isaga dhankiisa siweyn ugaga mahadceliyay sood haweynta balaaran ee loogu sameeyay Boosaaso, isagoo sheegay in uu ka qeyb qaadan doono xafladaha soo aadan ee ka dhacaya Boosaaso sida furitaanka Garoonak boosaaso iyo mida 8da January ee sanadguuyada u ah madaxweynaha Puntland.

DHAGEYSO CODODKOODA :

DAAWO SAWIRRO

IMG_0261 IMG_0262 IMG_0263 IMG_0265 IMG_0266 IMG_0277-1 IMG_0285 IMG_0294-1 IMG_0297-1 IMG_0309 IMG_0326 IMG_0330 IMG_0334 IMG_0337 IMG_0341 IMG_0346 IMG_0358 IMG_0367 IMG_0386 IMG_0394 IMG_0428 IMG_0447 IMG_0450 IMG_0455 IMG_0469 IMG_0470 IMG_0479 IMG_0487