Madaafiic ku soo dhacday meel u dhaw Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya oo khasaaro dhimasho iyo dhaawac geysatay

0

Ugu yaraan 3 Qof ayaa ku dhimatay sidoo kalena 2 qof oo kalena wey ku dhaawacmeen Madaafiic Maanta ku soo dhacay Agagaarka Xarunta Degmada Warta nabada Ex Wardhiigleey ee Gobolka Banaadir.

Madaafiicdan oo gaarayay illaa saddex madfac ayaa saameynta ugu badan waxay ku yeelatay dad barakacayaal ah oo ku sugnaa goobta ay ku soo dhaceen.

Dadka dhintay ayaa lagu sheegay iney ku jireen dad da’a, Caruur iyo Wiil Koronto xeraayay oo u shaqeynaayay mid ka mid ah Shirkadaha Koronto.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Madaafiicdaasi soo dhacday ay qal qal geliyeen dadkii rayidka ahaa ee ku dhaqnaa xaafadaha degmadaasi ee Warta Nabada.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aadan madaafiicda ku soo dhacay agagaarka Madaxtooyada.

Dhawaan ayay ahayd Markii Hay’ada nabada suggida iyo Sirdoonka qaranka ay sheegtay in ay fashilisay weerar madaafiic ah oo la doonayay in habeenkii sanadka cusub lagu qaado Xarunta Xalane oo Talis u ah AMISOM.