Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo gaaray Magaalada Dhuusomareeb

0

Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Max’ed Sheikh Cusmaan Jawaari ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud,halkaasi oo si weyn ugu soo dhaweeyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Ahlu suna.

Magaalada Dhuusa-mareeb,waxaa maamula Ururka Ahlu suna ee Gobolada dhexe,kuwaasi oo aan ku qanacsaneyn dhismaha maamulka Galmudug oo dhawaan lagu dhisay magaalada cadaado oo Hada xarun KMG u ah.

Socdaalka guddoomiyaha Baarlamaanka uu maanta ku tagay Dhuusamareeb ayaa la xiriira xal u raadinta khilaafka ka dhaxeeya Ahlusuna iyo maamulka Galmudug.

Guddoomiyaha Golaha shacabka, ayaa safarkiisa waxaa ku wehliya ilaa 25 mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya uu ka mid yahay guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka,iyadoo guddoomiyaha iyo mas’uuliyinta kale ee la socota ay kulan la yeelan doonaan madaxda Ahlusuna eemagaaladaasi maamusha.