DHAGEYSO:- Madaxweyne C/weli Gaas oo mar kale ka hadlay Maamulka Bakool sare

0

Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Max’ed Cali Gaas ayaa ka hadlay sababta Maamulka Bakool sare looga dhawaaqay degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool,wuxuuna ku tilmaamay iney tahay cadaalad daro lagu sameeyay shacabka degan degmooyinka Yeed,Ceel-barde iyo Aato oo ka wada tirsan Gobolkaasi.

Wuxuu sheegay C/wali Gaas in shacab degan seddex degmo la yiraahdo 149-Xildhibaan waxay ku leeyihiin seddex Xildhibaan ay tahay cadaalad-daro iyo waxa sababay in Shacabkaasi ay ka caroodaan maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya,islamarkaana ay sameystaan maamul la magacbaxay Bakool sare.

Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa arintaasi ku tilmaamay mid aan suurta gal ahayn,loona baahan yahay in madaxda maamulka K/galbeed iyo Dowlada Federaalka dib u eegis ku sameeyaan sidii shacabkaasi careysan loo qancin lahaa,isagoo hadalkiisa intaasi raaciyay in dadkaasi meesha jooga cadaaladooda la sugo.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka soo jeeda Gobolka Bakool ayaa horboodaya sameynta maamulka Bakool sare,iyagoo maamulka Shariif Xasan ku eedeeyay cadaalad-daro.

Dowlada Soomaaliya ayaa ugu baaqday dadka Soomaaliyeed ee wax tabanaya in ra’igooda u maraan si waafaqsan dastuurka dalka,islamarkaana wax waliba ka eegaan xaga wanaagsan iyo wax wada qabsiga.

Hoos ka Dhageyso Codka:-