XOG: Maxaa Ka Jira In Shirkii 10-ka Janaayo Ka Furmi Lahaa Magaalada Kismaayo Uu Dib U Dhacay.

0

Wararka hadda naga soo gaaraya ilo wareedyadeenada ku sugan Villa Somalia ayaa waxa ay sheegayaan in shirkii Madasha Siyaasada Soomaaliya ee ka furmi lahaa Kismaayo 10 janaayo uu dib u dhacay mudo todobaad ah.

Warkan aanu ka heleyno ilo wareedyadeena ku sugan xarunta Villa Somalia ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Kulan ka dhacay Villa Soomaaliya oo sida aan xogta ku helnay uu Madaxweynaha Puntland Cabdilwali Maxamed Cali Gaas uga qeyb qaatay qadka teleefoonka ayaa lagu go’aamiyey in Todobaad dib loo dhigo shirka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo soo jeediyey in shirka dib loo dhigo ilaa Febraayo ayaa waxaa Arintaas ka hor yimid Beesha Caalamka oo si cad u sheegtay ineysan aqbalayn wax ka badan todobaad inuu shirku dib u dhoco.

Ilo wareedyadeena ku sugan Villa Somalia ayaa intaasi noo raaciyey in uu dib u dhacan shirka Kismaayo ee 10-ka Jnaayo uu keeney culeys ka yimid dhinaca Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale Mas’uuliyiinta Sare ee Maamulka Jubbaland oo aan xiriir la sameenay ayaa iyaga dhankooda waxa ay inoo cadeeyeen in warkaas leysla dhexmarayo Muqdisho ay maqleen balse hayn wax cad, taasna ay ka dhigan tahay in dhankooda wax caqabado ah ka jirin oo uu shirka dib ugu dhici karo.

Isku soo wada duuboo Maamulka Jubbaland ayaa waxa uu diyaariyay dhamaan madashi shirka iyo hotelada lagu martigalin lahaa  wakiilada Beesha caalamka, Madaxda Soomaalida  iyo wufuuda la socota ee kusoo wajahan magaalada Kismaayo.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media