War Cusub: Sonkor Yaraan Ka Jirta Magaalada Kismaayo. Maxaase Sababay?

0

Warara naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in markii dhawaan Q.M ay ku eedeeysay Ciidanka Kenya in Sonkorta kismaayo u daabulaan gudaha dalka kenya lacag badana ay ka macaashaan ayaa arintaasi waxaa laga dareemay gudaha magaalada kismaayo waxaana jirta Sokor la’aan.

Dadka ku nool magaaladaasi ayaa soo wajaha Sonkor yari, waxaana lasoo warinayaan in bilihii ugu danbeeyay Sokortii soo gaari jirtay magaalada Kismaayo loo weeciyay dalka Kenya.

Ganacsatadii lasoo dagi jirtay Sonkorta ayaa macaash ka badan kii ay ka heli jireen Kismaayo ka helay dalka Kenya, iyadoona dukaamada qaar ay yihiin kuwa aan iibin Sokorta kadib markii inta badan laga waayay Bakhaaradii lagu keydin jiray.

Sababta sonkor yarida keentay ayaa lagu sheegay madaama sokorta Kismaayo dibada kaga timaada badankeed si sharci darro ah loogu iibgeeyo magaalooyinka Nairobi iyo Gaarisa ee dalka Kenya.

Isku soo wada duuboo Maamulka Jubbaland oo arrintaani walaac ka muujiyay ayaa iminka lasoo warinayaa in Ganacsatada ay ku boorinayaan inay yareeyan badeecada ay u dhoofinayaan Kenya si shacabka ay u helaan adeegyadooda.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media