Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo gaaray Magaalada Cadaado

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Magaaladaasi uu gaaray Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe”.

Wafdiga Axmed Madoobe waxaa Garoonka ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug, waxaana loo kaxeeyay Madaxtooyada Magaalada Cadaado.

Axmed Madoobe oo booqashadiisa aanan si rasmi ah loo ogeyn ujeedka ka dambeeya, ayaa la sheegayaa inay tahay booqasho uu horay u balan qaaday inuu ku tagaayo Magaalada Cadaado.

Labada Maamul ee Jubbaland iyo Galmudug, ayaa horay waxaa uga dhaxeysay xurguf xoogan oo dhanka Siyaasada ah, balse taasi ayaa meesha ka baxday wixii ka dambeeyay dagaalkii ka dhacay Magaalada Cadaado oo Axmed Madoobe door ka qaatay xalintiisa.

Labada Madaxweyne ee Galmudug iyo Jubbaland ayaa todobaadkaan isku arkay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo kulan ku dhexmaray Axmed Madoobe ku xaqiijiyay inuu tagaayo Magaalada Cadaado.