Top News: Dowladda Jabuuti Oo Xiriirka U Jartay Dowladda Iraan.

0

Dowlada Jabuuti ayaa xiriirka diblumaasiyeed u jartay dowlada Iraan iyadoo taageeraysa boqortoyada Sacudi Carabiya.

Dalka Jabuti ayaa noqday wadankii 4aad eek a tirsan ururka Jaamacada Carabta oo ku dhowaaqa in uu xiriirka diblumaasiyada u jaray dalka Iran kadib markii dad careysan ay gubeen safaarada boqortoyada Sacudi Carabiya ku lahayd magaalada Tehraan.

Go’aanka jarista xiriirka diblumaasiga ayay dowladda Jabuuti ku shaacisay bayaan ka soo baxay halka uu wasiirka arrimaha dibada Maxamuud Cali Yuusuf uu saxaafada u xaqiijiyay.

Dowlada Jabuuti ayaa xiriir aad u wanaagsan wax uu kala dhexeeya boqortoyada Saudi Arabia.

Isku soo wada duuboo Go’aanka Jabuuti, ayaa ka dambeysay markii sidoo kale ay Iran xiriirka diblomaasiyadeed u jareen dalalka Saudi Arabia, Bahrain iyo Sudan, halka xukuumada Imaaraadka Carabtana ay hoos u dhigeen xiriirka. Dhammaan afartan dal ayaa xubno ka ah ururka Jaamacadda Carabta, oo axadda qaban doono kulan gaar ah oo arrintan ku saabsan.