TOOS U DHAGEYSO: Afhayeenka Jubbaland Cabdinasir Seeraar “Waa Been In Ammniga Magaalada Kismaayo Gacanta Loo Galiyay Ciidamada Itoobiya”.

0

Afhayeenka Maamulka Jubbaland Cabdinaasir Seeraar Maax oo warbaahinta kula hadlayay gudaha magaalada Kismaayo ayaa waxa uu sheegay in wararka maalmahan leysla dhexmarayay ayna baahiyeen warbaahinta soomaalida in ay yihiin kuwo been abuur ah.

Cabdinaasir Seeraar ayaa sheegay in ciidama Itoobiya ay ka mid yihiin kuwa AMISOM beena ay tahay in Amaanka magaalada Kismayao gacanta loo gashay.

Afhayeenka Maamulka Jubbaland Cabdinaasir Seeraar ayaa waxa uu sheegay in Ammniga magaalada Kismaayo ay gacanta ku hayaan ciidamada Soomaalida ah.

Dhinaca kale Cabdinaasir Seeraar ayaa waxa uu sheegay in ciidamada Itoobiya ay dalka ku joogaan ogolaasho ay ka haystaan Dowladda iyo dadka Soomaaliyeed lana mid yihiin ciidamada kale ee dalka oo dhan ku sugan.

 

 

Hoos Ka Dhageyso

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media