Haweeney ka mid ahayd Shaqaalaha garoonka diyaaradaha Muqdisho oo la dhaawacay

0

Kooxo hubaysan ayaa Magaalada Muqdisho waxa ay ku dhaawaceen saaka haweenay sida la sheegay la shaqeysa Shirkada Maamusha Garoonka Aadan Cadde ee loo yaqaan Favori.

Haweenaydaan ayaa u socotay xarunteeda shaqada xilliga falka weerarka uu dhacaayay, waxaana ay ka soo baxday oo ay daganeyd Xaafada Xamar Bille ee Degmada Warta Nabadda.

Ragga hubaysan oo labo nin ahaa ayaa rasaas la dhacay Haweenayda, kadibna goobta ka baxsaday, balse haweenayda rasasta lagu dhuftay ayaanan u geeriyoonin oo dhaawac ayaa ka soo gaaray.

Dadka Xaafada ayaa durbadiiba gaari yar ku qaaday haweenaydaasi oo ula cararay goobaha caafimaadka si xaaladeeda caafimaad halkaasi loogu baxnaaniyo.

Haweenaydan ayaa magaceeda lagu soo koobay Nuura, goobta falka uu ka dhacay waxaa tagay ciidamo ka tirsan Dowladda Federalka Somaliya, kuwaasi oo baaritaano aanan natiijo laheyn goobtaasi ka sameeyay.

Falalka dilalka qorsheysan ayaa ku soo badanaya Magaalada Muqdisho oo aanan loo kala saareyn Haween iyo rag intaba.