DHAGEYSO:- Maamulka Ahlu Sunna oo ka hadlay Ciidamo Ethiopian ah oo Dhuusomareeb tagay

0

Masuuliyiinta maamulka Ahlu sunna ee gobolada Dhexe ayaa ka hadlay ciidamo ka socdo dowlada Ethiopia oo tagay magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud oo Ahlu sunna ka taliso.

Axmed Macalin Cabdulaahi, gudoomiyaha degmada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud oo la hadlay saxaafada ayaa beeniyay in marnaba ciidamada dowlada Soomaaliya tageenmagaalada Dhuusomareeb iyo meelo ku dhow.

Wuxuu sheegay in ciidamo Ethiopian kaliya ah ay tageen magaalada meel seddex KM u jirta ayna doonayeen iney kaga sii gudbaan dhanka dalka Ethiopia, sida uu sheegay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay ineysan jirin ciidamo Soomaali ah oo aqoonsan yihiin oo tagay magaalada iyo deegaanada ku xeeran.

Hoos ka Dhageyso Codka:-