XOG:Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe Oo Dhawaan Gaaraya Magaalada Garoowe.

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Axmed Madoobe Madaxweynaha Maamulka Jubbaland lagu wado in uu dhawaan safar deg deg ah ku tago magaalada Garoowe iyadoo halkaasi ay kaga horeeyaan Siyaasiyiin kale.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa Ujeedka Safarka Axmed Madoobe ee magaalada Garoowe inuu la xiriiro ka tashiga shirka la filaayo in dhawaan uu ka furmo magaalada Kismaayo waxaana la soo warinayaan in arrimaha shirka uu la kaashan doono madaxweynaha Puntland C/wali Gaas.

Axmed Madoobe Qorshahiisa ayaa waxaa sidoo kale kamid ah in magaalada Garoowe uu kulamo gaar ah kula qaato R/wasaarayaashii hore ee Somalia C/wali Sheekh Axmed, Cali Geedi iyo Siyaasi C/raxmaan Baadiyow oo ah koox Siyaasiyiin Culus ah waxa uuna Axmed Madoobe ka ahaa xubin firfircoon, ka hor inta uusan qabsan hogaanka Jubbaland.

Dhinaca kale Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa daneynaaya in mas’uuliyiintaasi ka gadoodsan DFS ee uu hogaamiyo Xassan Sheekh uu kala tashto hanaanka loo hirgalin lahaa shirka Kismaayo iyada oo aan dhicin wax caqabad ah oo kala fogeynkara DF iyo maamulada dalka.

Isku soo wada duuboo Axmed Madoobe ayaa shirarkaasi kadib Magaalada Boosaaso uga qeybgali doona munaasabad lagu daah furi doono Garoonka Caalamiga diyaaradaha ee Boosaaso kaasi oo qabsoomi doonta 08-Jan-2016.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media