Top News: Sirdoonka Ingiriiska Oo Aqoonsaday Ninka Dilaaga Ah Ee Badalay Jihadi John.

0

Sirdoonka Britain ayaa aqoonsaday nin ka soo muuqday Muuqaal ay soo bandhigtay maalin ka hor Kooxda dowladda Islaamiga oo ku saabsanaa dilka shan nin oo lagu eedeeyay inay u basaasayeen dowladda Britain.

Ninkan ayaa ku hadlayay Lahjada English-ka, waxaana lagu tilmaamay Jihadi John-ka labaad, isagoo u hanjabay Ra’iisul Wasaaraha Britain David Cameron.

Waxaa uu xirnaa dareys milateri, wajigana waa uu ka duubnaa, waxaa uu gacanta ku heystay bastoolad, iyadoo ay dhinacyada ka taagnaayeen afar nin.

Sirdoonka Britain ayaa BBC-da u sheegay in ninkan ay rumeysan yihiin inuu yahay Siddartha Dhar oo ah Hindu ku noolaa bariga London, waxaa uu qaatay Diinta Islaamka, isagoo sanadkii 2014 aaday Suuriya.

Ninkan ayaa damiin lagu sii daayay, markii Booliska Britain ay xireen, kadib wareysi uu siiyay BBC-da bishii Agosto, waxaana bil kadib loo xiray inuu taageeray koox xagjir ah oo lagu magacaabo Al-Muhaajiruun.

Gabar la dhalatay ayaa u sheegtay BBC-da inay aaminsan yahay in codka ay maqasha uu yahay walaalkeed, balse ay si rasmi ah u xaqiijin karin.

Dad badan ayaa sheegay in ninka wajiga duubtay uu ahaa Siddartha Dhar oo la baxay magaca Abuu Rumeysah.

Boqolaal dagaalyahano u dhashay Britain ayaa ku biiray kooxda Daacish ee ka dagaalama dalalka Suuriya iyo Ciraaq.

johnk

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media