Top News: Ciidamada Itoobiya Iyo Kuwa Dowladda Oo Gaaray Magaalada Dhuusamareeb.

0

Wararka nasoo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidan Culus oo iskugu jira Millatariga Soomaaliya iyo kuwa itoobiya ay gaareeyn magaalada dhuusa-mareeb ee xaruunta gobalka Galguduud.

Ciidanka DF oo ay weheliyaan Ciidan Itoobiyaan ah ayaa ka soo baxay Degmada Ceelbuur Ee Gobolka Galguduud,waxaana ay Fariisimo ka sameysteen Duleedka Degmada Dhuusamareeb.

Ilaa hadda lama oga Ujeedka Imaatinka Ciidamada Xoogga Dalka ee tagay Degmada Dhuusamareeb iyo Ciidamadan Itoobiyaan ah ee wata Gaadiid dagaalka.

Isku soo wada duuboo Magaalada Dhuusamareeb Ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ku sugan Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusunna Waljamaaca,walina Ahlusunna kama hadlin Ciidankaan.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media