DHAGEYSO:- Duqa Magaalada Garoowe oo faah faahin ka bixiyay sababta Mooto Bajaajta looga mamnuucay magaaladaasi

0

Duqa magaalada Garowe Xasan Max’ed Ciise (Goodir) oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Garowe ayaa sharaxaad ka bixiyay sababta magaaladaasi looga mamnuucay Gaadiidka nuuca Bajaajka ah oo si aad ah kaga shaqeysa deegaanada Puntland gaar ahaan magaalada Garowe.

Wuxuu sheegay Mr Goodir in sababta Bajaajta loo mamnuucay ay tahay mashquul fara badan oo ka jira dhanka gaadiidka iyo shilalkii gaadiidka oo batay.

Gaadiidka Bajaajta ayaa si aad ah deegaanada iyo degmooyinka Soomaaliya ku soo badanaya,waxaana dadweynaha qaarkii ay kaga maarmeen raacitaanka gaadiidka kale sida Tagaasida.

Duqa magaalada Garowe ayaa hoosta ka xariiqay in arintaan ay kaga mahad celinayaan Ciidanka Booliska oo suurta geliyay iney dhaqan geliyaan amarka ku aadan in magaalada laga mamnuuco mooto bajaajta,taasi oo shacabka si aad ah u isticmaalayeen.

Mooto Bajaajta oo sanadihii ugu danbeeyay si aad ah u soo ifabaxayay ayaa waxay shaqo abuur badan u sameysay dhalinyaro Soomaaliyeed oo shaqo la’aan baahsan heysay,waxayna kaga baaqdeen Tahriibkii u baqoolayeen.

Hoos ka Dhageyso Codka:-