Top News+Akhriso: Dowladda Soomaaliya Oo Cambaareysay Weerarkii Safaarada Sacuudiga Ee Iraan.

0

Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii lagu qaaday Safaaradda Sacuudiga ku lahaa magaalada Tehran iyo dhismaha Qunsuliyadda dalkaas uu ku lahaa magaalada Mash-had ee dalka Iiraan.

War saxaafadeed ku qornaa afka Carabiga oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weerarka safaaradda Sacuudiga uu jabinayo heshiisyadii caalamiga ahaa ee dhinaca diblomaasiyadda ee 1961-kii ee lagu gaaray magaalada Vienna.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay heshiiskaas uu farayo ilaalada xarumaha Safaaradaha ku yaalla aduunka iyo shaqaalaha Diblomaasiyadeed.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay war saxaafadeedka in Soomaaliya ay ku garab taagan tahay dowladda Sacuudiga howl galadeeda ay kaga hortageyso argagixisada, isla markaana ay ku taageereyso adkeynta amniga iyo xasiloonida Boqortooyada ka wado dalkeeda iyo gobolkaba.

Warkan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo dowladda Sacuudiga xiriirka u jartay dowladda Iiraan, markii dibad baxayaal careysan ay dab qabadsiiyeen Safaaradda Sacuudiga ku lahaa Tehran, taasoo jawaab u aheyd dilkii Sacuudiga ku fulisay Sabtidii Wadaad Shiico ahaa.

soma

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media