Fadeexad: Jaalle Xasan Sheekh Maxamuud Maxay Ku Kala Duwan Yihiin Cadale Iyo Baardheere? QABYAALADU WAA SHEEY XUN!

0

Akhristoow haddii aad ogeyd in loo qariyo Xasan Sheekh Maxamuud qabyaalada iyo qarandiidnimada maanta loo qarin maayo waxa uu yahay saa isagaa isqarin waayay oo banaanka soo dhigtay qabyaaladi qurmuuneyd ee dalka Soomaaliya rogtay.

Mas’uul maloogu yeeri karaa? mase loogu yeeri karaa Xasan Sheekh Maxamuud waa Madaxweynaha Jamuuriyada Federaalka Soomaaliya? jawaabtu waa sahal umma dhalan, mana geeyo, mana loogu yeeri karo Madaxweynaha Jamuuriyada Federaalka Soomaaliya, sababtoo ah waxa uu qayb ka ahaa jabhadi codowga u adeegsaday burburinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waa nimay dilootay qabyaalada iyo qaran neceebka Soomaaliyeed, waa nin u dhaga nugul unna shaqeeya shisheeyaha iyo cadowga ummada Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh Maxamuud waxaa intaas usii dheer cadaalad darada iyo isir neceebka uu u qabo beel ka mid a beelaha Soomaaliyeed waana beesha Sade, taasina waxaa daliil u ah habdhaqankiisa inta uu xilka hayay iyo sida uu beeshan ulla dagaalamay.

 

Sidoo kale waxaa cadeenaya in dagaal Xasan Sheekh Maxamuud uu kula jiro Beesha Sade bal si wanaagsan ugu fiirso akhristoow, 22-kii Luulyo magaalada Baardheere ayaa waxa ay soo gashay gacanta ciidamo taabacsan dowladda uu sheegto inuu Madaxweynaha ka yahay ilaa maanta oo ay taariikhdu tahay 06-ta Agoosto 15 Maalmood ka dib ma uu booqan hal qof oo ka tirsan Dowladda lagu sheego in Soomaali leedahay, wax gurmad a lama gaarsiin, weli garoonki diyaaradaa magaalada Baardheere waa uu xiran yahay, lamana yaqaan cid uu u xiran yahay.

Waa Su’aale Maxay Ku Kala Duwan Yihiin Cadale Iyo Baardheere?

Aniga Shaqsiyan markaan ka jawaabo sida aan u arko Cadale Iyo Baardheere waa laba degmo oo ka tirsan dalkeena hooyo shacabkooduna in mudo ah cadow xun si xoog ah ku heesteen, shacabkooduna soo gaareen tacadiyo kala duwan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, waxaana mahad leh Allihi ka dulqaaday cadowgaas, waxaana jeclaan lahaa in wax walba oo la awoodo loo qabto, balse Jaalleyaal waa haddii dhagihihiina iyo Indiiinuba furan yihiin xaalka Xasan Sheekh sidaa waa uu ka duwan yahay, sababtoo ah midna subaxii la xoreeyay subaxdi ku xigtoo waxa uu u tagay beesheydaa dagta waa CADALE islamaalinkaas ayaana mamaul loo sameeyay, midna waa Baardheere oo 15 maalmood ka dib maamul loo sameeyo iyo wax loo qabto iskadaaye xataa maantadan aan joogno waxaan ka dagi karin diyaaradihii dadka rayidka ahaa raaci jireen, waxaana hubaa in amarkaas ay si wadajir ah u bixiyeen Xasan Sheekh iyo dowladdaha shisheeye ee uu shaqeeyo. Waxii jirina waa ay soo baxayaan oo kama Hordhacayo, waase la soconaa Hoowsha ay wadaan dowladdada deriska ah iyo Xasan Sheekh. Jaalle Xasan Sheekh Maxamuud QABYAALADU WAA SHEEY XUN!

Hoos Ka Daawo Booqashadi Cadale Ee Xasan Sheekh

Sidoo kale waxaa Wasaaradaha Warfaafinta iyo Gaasaandhiga  ay u diri jireen degmooyinka laga xoreeyo Al Shabaab wariyeyaal iyo Saraakiil sare Sida caadada ahaan jidhay amaba aanu TV-yada iyo Idaacadahana aan ka dhageysan ama ka daawan jirnay, waxaa xigi jiray in  markii magaalooyinka gobolada dalka laga xoreeyo falaagada Al Shabaab in durba Wasaaradaa ay quseyaan hoowlaaas ay  gaarsiiyaan dadka shacabka ah ee magaalooyinkaas gurmad dhan walba ah. Baardheere, Garbahaarey, Buurdhuubo, Luuq, Balad Xaawo Ceelwaaq ma waysan ka mid ahayn degmooyinka Soomaaliya? ma waysan ahayn dhul Soomaaliyeed? Ma waysan la mid ahayn degmooyinka dalka ee laga Xoreeyay Al Shabaab?

Akhristoow Soo kuuma cada kuu mana muuqato qabyaalada qurmuun ee uu horboodayo unna ololeenayo Xasan Sheekh Maxamuud inay tahay mid qaawan oo muuqata islamarkaana lagu kala fadli yeelayo magaalooyinka lagala wareego falaagada Al Shabaab?

Soo sidoo kale shacabka Soomaaliyeed hadduu leeyahay aqoonyahan iyo siyaasiba soo marag kama ahan ummana muuqato in Xasan Sheekh Maxamuud dagaal QAAWAN kula jiro beesha Sade isagoo kaashanaya kuwa sheegta Soomaali iyo dowladdo shisheeye?

Ugu Dambeyn Xasan Sheekh  waxa uu hilmaamay in Beesha Sade aysan ahayn afarta sida dameeraha uu u rarato ee Villa Gabre ama Villa Afey la jooga, Waxaa kaloo uu hilmaamay in markan Beesha Sade indhaheeda iyo dhagahooduba ku soo jeedaan isaga iyo kuwa la midka ah, waxaa kaloo hubaal ah in aan si wanaagsan isu baran doono dhawaan Hadduu Alle Idmo Isaga, kuwa sheegta Soomaalida iyo Dowladdaha Shisheeye ee ay basaaska iyo adeegaha u yihiin.

Ugaaska Ugaasyada Soomaaliyeed

(Run Sheeg Waa Ceeb Sheeg)