TOP DHAGEYSO :- C/wali Gaas Oo Weerar Afka Ah Ugeystay Dowladda Fedraalka Ah+Xasaasi.

0

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ‘’Gaas’’ ayaa Xalay khudbad dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyay Munaasabada lagu xusayay 1-da Agoosto ee ka dhacday Madaxtooyadda Puntland ee Garowe.

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa bilowga Khudbadiisa dadweynaha reer Puntland ugu hambalyeeyay 17-sano guuradii kaso wareegtay markii La Aas-aasay Puntland,wuxuuna mahadcelin balaaran u jeediyay Ciidamada qalabka sida ee Puntland oo habeen iyo maalin u taagan illaalinta amniga dalka iyo dadka.

‘’Puntland wax badan ayaa u qabsoomay,Puntland waxay leedahay Dawladnimo gaamurtay oo Cudud dhaqaale iyo Ciidan leh ku filan,Puntland waa Dawlada kaliya ee sharciyad leh ee ka jira Soomaaliya’’Ayuu yiri Madaxweynaha Dawlada Puntland.

Wuxuu intaas ku daray‘’….Puntland waa Hooyadda Federaalka iyo dib u yagleelida Dawlad Soomaaliyeeed,laakiin aad u malayso in ilmiha qaar ay ku caasiyeen,laakiin Hooyadu Ilmaha ku caasiday ma tuurto’’.

Dr. Gaas ayaa sheegay in dad badan oo reer Puntland ah ay qabaan in Puntland ay ka go’do Soomaaliya inteeda kale oo aan Soomaalinimo lagu lumin waqti kale.

HOOS KA DHAGEYSO KHUDBADIISII:

DAAWO SAWIRADA XAFLADII XALAY EE GAROWE:

8 71 101 111 IMG_0144 IMG_0156 IMG_0183 IMG_0217 IMG_0239 IMG_0253 IMG_0254 IMG_0276 IMG_0331 IMG_0345 IMG_0355 IMG_0364 IMG_0371 IMG_0387 IMG_0429