Madaxwaynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Farole oo maanta lagu soo dhaweeyay magalada Garowe ayaa boqolaal shacabka Puntland kula hadlay baraxada weyn ee magalada Garowe, halkaasoo uu marka hore uga mahad celiyay soo dhawaynta loo sameeyay.
Marka laga tago mahad celiyay soo dhawayntiisa waxa uu sidoo kale shacabka iyo xukumadda uga mahad celiyay tacsidii qaran ee ay u sameeyeen xaaskiisa oo billo ka hor ku geeriyootay magalada Garowe.
Inkastoo uusan siyaasadda Soomaaliya gaar ahaan tan Puntland uu si toos ah uga hadlin haddana waxa uu sheegay inuusan cidna culuys ku ahayn haddii aan loo qaaday isaga culays.
”Xukumadda waxaan uga mahad celinayaa tacsidii qaran oo ay u sameeyeen xaaskaygii markay dhimatay, waana is arki doonoo haddii alle idmo wixii aan qabo oo fikirkayga waan sheegayaa, cidna kuma ahi culuys haddaan cidina culuys aniga iga dhigan”Farole.
Sidoo kale waxa uu sheegay Dr.Farole socdaalkiisa Garowe inuu la xariiro arrimaha geerida murwadiisii koowaad ku timi, balse ay dhici karto inuu kulan la qaato madaxda Puntland isla markasna usoo gudbiyo fikirkiisa.
Madaxwaynihii hore ee Puntland Farole ayaa isagoo Hargaysa jooga BBC u sheegay inuu kasoo xirmay Kibaatka Puntland, balse uu wax ka qoro siyaasadda dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo dadka indho-garadka ahi sheegayaan inuu ka mid noqon karo ragga u tartamaya xilka madaxtinimadda Soomaaliya.
DHAGEYSO CODKA FAROOLLE:
DAAWO SAWIRADDA SOO DHAWEYNTA: