Kulamo la filayo iney ka dhacaan Garoowe iyo Ra’isal Wasaaraha o rajo ka muujiyay kulamadaasi

0

Waxaa maanta la filayaa in magaalada Garoowe ee Xarunta maamulka Puntland ay kulamo kaga furmaan Ra’iisal wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Sharma’arke iyo madaxweynaha Maamulka Puntland C.welli Maxamed Cali Gaas.

Kulanka ayaa la filayaa inuu ka qeyb galo Axmed Madoobe oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Garoowe.

C/Welli Gaas oo maalintii shalay saxaafada kula hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay iney isweydiinayaan sababaha keena in mar walbaa dowlada Soomaaliya ka baxdo hishiiska ay la gaarto maamulkiisa.

Kulamada maanta ayaa waxaa looga hadli doonaa arimaha ku saabsan khilaafka ka dhaxeeya  dowlada Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Habeenimadii Xalay waxaa magaalada Garoowe ee Xarunta maamulka Puntland kulamo gaar gaar ah ku yeeshay madaxda ku sugan magaaladaasi.