Dowlada Kenya oo xukun dil ah ku xukuntay nin qaatay Diinta Islaamka

0

Nin ka soo jeedo qowmiyadda Mungiki ee Kenya, kuna biiray Diinta Islaamka, ayaa waxay Maxkamadi ku xukuntay xukun dil toogasho ihi.

Ninkan oo lagu magacaabo Gituge Ngamau, ayaa waxaa lagu haystaa inuu tababar la qaatay Ururka Al Shabaab, sidoo kalana uu sanadkii hore ka qayb qaatay weerar dad lagu gowracay oo Shabaabku ka gaysteen deegaano hoos-tagga Degmada Lamu ee Gobolka Xeebta Kenya.

Maxkamadda Magaalada Mombasa, ayaa Khamiistii xukun dil ihi ku xukuntay ninkaasi, ka dib markii uu qirtay eedeymihii loo haystay.

Ka hor intii aan la xukumin, ayuu laamaha ammaanka Kenya u sheegay weerarkaasi inay horkacayen laba nin oo caddaan ah, kuwaa oo loo maleynaayo inay kala yihiin Thomas Evans oo Britain u dhashay iyo Andreas Mueller oo isna dalka Jarmal ah.

Thomas Evans waxaa 14-kii bishii June lagu dilay weerar qorsheysan oo Shabaabku ku qaadeen Xerada Militariga Baure ee duleedka Degmada Lamu. Ninkaasi waxaa lala dilay ilaa 10 nin oo kale, oo Shabaabka ay ka wada tirsanaayen.

Gituge Ngamau waxa uu ku dhashay Deegaanka Likoni ee duleedka Magaalada Mombasa, sanadkii 1979-kii. Diinta Islaamka ayuu qaatay sanadkii 2002-dii, wuxuuna markaasi la baxay Mohamed Ali.

Ngamau waxa uu xilligan ku xiran yahay Xabsiga Shimo ee Magaalada Mombasa. Mombasa waa Xarunta 2-aad Wadanka Kenya.