TOP Baarlamaanka Somalia oo go’aan aan laga fileyn ka qaatay Darbiga Kenya

0

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta dood waqti badan qaadatay ka yeeshay darbiga dowlada Kenya dooneyso iney ka dhisto xadka kala dhaxeeyo Soomaaliya.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa si adag kaga dhiidhiyay qorshaha dowlada Kenya damacsan tahay iney ku boobto dhuulka Soomaaliya dhinaca degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Xildhibaanada guud ahaan ee maanta xaadiray kulanka ka dhacay golaha shacabka ayaa si isku mid ah u gartan in arin laga xumaado tahay kordhaha dowlada Kenya damacsan tahay.

Waxaa la isku raacay in gudi loo xil saaro arimaha dhanka darbiga iyo xuduuda Soomaaliya ku saabsan, waxaana gudigaasi loo deeyay inuu soo dhiso gudoomiyaha baarlamaanka Mr Jawaari.

Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay ineysan hirgilin qorshaha Kenya ku damacsan tahay iney dhulka Soomaaliyeed ku boobto.