Dowladda oo lagu wareejiyay ciidamo ku sugnaa Magaalada….

0

Ciidamada Booliiska ee Magaalada Cadaado, ayaa maanta waxaa si rasmi ah loogu wareejiyay Dowladda Federalka Somalia oo ay si toos u hoos tagayaan, xilli ay ciidankaan ay hoostagi jireen Maamulka Ximan iyo Xeeb.

Munaasabad ka dhacday magaalada Cadaado waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Dowladda Somalia iyo Maamulka Ximan iyo Xeeb, iyadoo madashaasi lagu shaaciyay in ciidamadaan ay hoostagi doonaan Dowladda.

Wasiirka Arimaha Gudaha Maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Xaaji Xuseen oo madasha ka hadlay ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin in Dowladda Somalia ay ku wareejiyaan ciidamada Booliska Magaalada Cadaado.

Wuxuu sheegay in ciidamadaan dhismahooda ay iska kaashadeen Maamulka Ximan iyo Xeeb iyo dadka shacabka Magaalada Cadaado, hadana ay raali ka yihiin inay Dowladda ku wareejiyaan.

Taliyaha qaybta Gobolada dhexe ee Booliska Soomaaliya, Maxamed Jimcaale Cosoble ayaa sheegay in dowladda dhexe ay bixinayso xuquuqda iyo daryeelka Booliska Cadaado, wuxuuna wadashaqayn ka dalbaday maamulka iyo shacabka magaaladaasi.

Ciidanka la wareejiyay oo ay tiradiisu gaarayso ku-dhawaad 50 askari ayaa waxaa dhismihiisa iska kaashaday shacbiga degmada Cadaado iyo maamulka Ximan iyo Xeeb.